Maxkamadda ICJ oo maanta ku dhawaaqaysa natiijada kiiska Badda ee Somalia & Kenya

The International Court of Justice (ICJ), principal judicial organ of the UN, holds public hearings from 17 to 21 February 2020 in the case concerning Immunities and Criminal Proceedings (Equatorial Guinea v. France), at the Peace Palace in The Hague, the seat of the Court. The hearings focus on the merits of the case. Session held under the presidency of Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, President of the Court. The CourtÕs role is to settle, in accordance with international law, legal disputes submitted to it by States (its Judgments are final and binding) and to give advisory opinions on legal questions referred to it by authorized UN organs and agencies.

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada Adduunka (ICJ) ayaa maanta oo talaado ah ku dhawaaqeysa xukunka kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo yaalay maxkamadda ilaa 2014-kii.

Kiiska muranka Badda ee Somalia iyo Kenya ayaa soo billowday sanadkii 2014-kii xilligaas oo Somalia ay kiiska dacwadda Maxkamadda geeysay, waxaana uu soo jiitamayay muddo 7 Sano ah, iyada oo dowladda Kenya ay maalmo ka hor sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aan kastanoo kasoo baxa Maxkamadda.

Maxkamadda ICJ ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay in Maanta oo Talaada ah ay go’aan ka gaari doonto Kiiska Badda, isla markaana ku dhawaaqi doono saacadu marka ay tahay 3:00 galabnimo, waxaana xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalada Hegua ku sugan Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar).

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay inay Soomaaliya Guulaysan doonto.

Madaxda Dowladda Soomaaliya, Madaxdii ka horreeysay oo kiiskaan dacwadda Badda gudbiyay iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya Go’aanka Maxkamadda ICJ, waxaana lagu rajo weyn yahay in Soomaaliya loo xukmiyo inay Biyaha lagu mursan yahay ay leedahay.

Idilnews