Hot Topics

Puntland oo masaafurisay boqolaal Itoobiyaan ah

Dowladda Puntland oo kaashanaya hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa waxaa ay ka qaadeen Gudaha Puntland Qaxooti Itoobiyan ah oo muddo ku noolaa Magaalooyin ka tirsan Maamulkaasi Puntland.

Dadkaasi oo tiro ahaan gaaraya ilaa 42 Ruux ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkooda Itoobiya, iyaga oo badi laga qaaday magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dadka Itoobiyanka ah ee Puntland & hay’adda IOM ka qaadeen Magaalada Boosaaso ayaa muddo bil ah ku xayirnaa halkaas, iyaga oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo.

Idilnews