Hot Topics

Kulamo xasaasi ah oo ka socda Villa Somalia & Farmaajo oo ogolaaday

Waxaa ka soconaya Madaxtooyadda Villa Soomaaliya kulan looga hadlayo xalinta khilaafka Madaxda DFS, kaas oo soo bilowday duhurnimadii maanta, isagoo ku bilowday kulan u dhexeeya Farmaajo, Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimaha NISA ee Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay Gen. Bashiir Goobe.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhow ku soo biiray wada hadalada Madaxtooyada, halka Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo xubin kale ay dhex dhexaadiye ka yihiin.

Ilo ku dhow dhow kulankii hore ayaa sheegaya in is faham laga gaaray, waxaase arrinta ugu weyn ee hadda ku soo biyo shubatay ay tahay xaalka NISA, iyadoo ay suura gal tahay in gelinka dambe ee maanta illaa caawa in la soo afjaro is-maandhaafkii siyaasadeed muddada ahaa.

Idilnews