Hot Topics

Wararkii ugu danbeeyay Ee Magaalada Guriceel

“Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen kooxda Ahlu Sunna.”Ayaa lagu yiri War kasoo baxay Warbaahinta Dowlada Fadaraalka.

“Ciidamada oo ay la socdeen maamulka magaalada ayaa si nabad ah ku galay gudaha waxaana ay ku sugan yihiin ilaa dhowr xaafadood oo ka tirsan magaalada Guriceel. Wariyayaasha gobolka Galgaduud ee warbaahinta Qaranka ayaa soo wariyay in kooxaha Ahlu suna ay isaga baxeen inta badan magaalada isla markaana ay faarujiyeen xarumo muhim ah sida saldhiga Booliska.”Ayaa lagu sii yiri qoraalka.

Inkasta oo ay cadahay in Ahlu-Sunna ay ka baxday Saldhigga, hadana si rasmi ah looma xaqiijin karo in ciidamada dowladda ay galeen magaalada.