Hot Topics

AMISOM Oo ka jawaabtay Eedayntii Ahlusunna

Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo sheegayay inay taageero milatari u fidiyeen ciidammada dowladda ee dhawaan magaalda Guriceel kula dagaalamay meleeshiyada Ahlu Sunna.

Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee shalay ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo dagaallo ay ka socdeen, ayaa ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen dagaalkaas iyo weerar loo geystay labo isbitaal iyo xafiiska hay’ad gargaar oo magaaladaas ku yaalla.

Eedeymaha qaar ayaa sheegayay in hubka culus ee ay dowladda adeegsatay laga keenay bakhaarada hubka ee AMISOM.

Balse AMISOM oo arrintaas ka jawaabeysay ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay eedeymaha loo jeediyay ee ah in ciidankooda oo taageeraya kuwa Soomaaliya ay ka qeyb qaateen dagaalka Guriceel.

“Eedeymahan waa been abuur, si ula kac ahna looga dan leeyahay in la isaga hor keeno AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in AMISOM ay hagayaan kuna shaqeyso shuruucda Midowga Afrika iyo kan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Shuruucdaas ayay AMISOM sheegtay inay qeexayaan soo afjaridda Al-Shabaab, taageeridda ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee doonaya inay soo afjaraan falalka argagixisnnimo ee dalka iyo in loogu fidiyo taageero ay Dowladda Federaalka nabad iyo xasilooni ugu soo dabbaasho dalka iyo in dowladda federaalka iyo dalalka xubnaha ka ah laga caawiyo gudashada waajibaadkooda sida ammaanka doorashooyinka.

“AMISOM iyadoo fulineysa shuruucdaas, waxay xoojisay ciidamadeeda ku sugan Dhuusamareeb si ay uga qeyb qaataan sugidda ammaanka hannaanka doorashada.. Wax caawinaad oo heer qaran iyo heer gobol ma aysan siin Dowladda Federaalka si ay ula dagaallanto Ahlu Sunnah Wal Jamaaca, sidoo kalena sinnaba uguma aysan lug lahayn dagaalka uu dhiigga ku daatay ee ka dhacay Guriceel,” ayaa lagu daray warsaxaafadeedka.

Waxay sheegtay in tan iyo intii uu dagaalku socday ay dhinacyada dagaallamayay ugu baaqeysay inay soo afjaraan dagaalka, ayna is faham-waagooda ku xalliyaan wada xaajood, ayna sii wadeyso dadaalkaas.

“AMISOM waxay xoojineysaa inay Soomaaliya u joogto inay la dagaallanto Al-Shabaab, Isis iyo xulafadooda, ee uma joogto inay hubkooda ku jeediyaan Soomaalida dhexdeeda.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.