Hot Topics

Faransiiska Oo xiraya Todobo Masaajid

In this image made from video, police attend the scene after an incident on the Champs-Elysees with Arc de Triomphe in background in Paris, Thursday April 20, 2017. French media are reporting that two police officers were shot Thursday on the famed shopping boulevard. (AP Photo)

Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay xireyso toddoba Masaajid iyo ururo kale oo ay leeyihiin Muslimiinta dalkaas ku nool dabayaaqada sannadkan 2021-ka.

Paris ayaa la sheegay inay ku sabababeysay go’aankeeda xagjirnimo ka jirta goobahaasi ay xireyso inkasta oo ururada Muslimiinta Faransiisku ku macneeyeen inay tani qeyb ka tahay ololaha Islaam nacaybka ee dowladda madaxweyne Macron.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmian ayaa sheegay in Masaajid ku yaala magaalada Allones ee Waqooyiga Galbeed ee Faransiiska lix biloood la xidhay iyada oo lagu saleeyey u nuglaanta xagjirnimada, waxa kale oo ay dowladu la wareegtay kootadii bankiga ee Masaajidka.