Hot Topics

Doorashada Labo kursi oo kamid ah Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashada Somaliland ayaa soo saaray jadwalka labo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee tirsagoodu yahay HOP239 iyo HOP237.

Diiwaangelinta iyo qabashada codsiga musharrixiinta kuraastan ayaa bilaabanaysa maanta oo jimce ah, sida ku cad waraaq kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Labada Kursi mid ka mid ah ay ayaa waxaa ku fadhiyay Xuseen Carab Ciise, kaasoo ah kursiga tirsigiisu yahay HOP239, waxaana u tartamaya Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Sidoo kale Kursiga kale ee Tirsigiisu yahay HOP237 waxaa horay ugu fadhiyay Biixi Iimaan Cige.

Idilnews