Maraykanka oo ka walaacsan Gantaalka Shiinuhu tijaabiyay

Jeneraalka sare ee Maraykanka Mark Milley ayaa walaac ka muujiyay wax uu ugu yeedhay tijaabadii gantaalka codka ka dheereeya ee Shiinaha.

Dalka Shiinaha ayaa dhawaan tijaabiyay gantaal sii huriyay xiisadda kala dhaxaysa Maraykanka.

Abbaanduulaha ciidanka guud ee Maraykanka Mark Milley ayaa ku tilmaamay tijaabada gantaalka Shiinaha mid la mid ah dhacdadii tartankii hawada sare ee 1957-dii ay Midowgii Soofiyeetku hawada sare ugu direen dayax-gacmeedkii Sputnik 1, taasi oo dhalisay tartankii hawada sare oo ka dhex-abuuray Soofiyeetkii iyo Maraykanka xiisad ballaadhan oo dhinac walbe ah.

Shiinaha ayaa ganafka ku dhuftay eedaymaha Maraykanka, kuna sheegay tijaabadan mid caadi ah.