Hot Topics

Madaxweyne Deni oo diiday in uu si gaar ah ula kulmo Wasiir Xuseyn Ciid

Madaxweyne Deni waa iska diiday in uu si gaar ah ula kulmo Wasiirka Beeraha Fadaraalka ee Qardho utagay Xarunta Ayaxa ee xariga laga jarayay.

Ina Ciid waa mid ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda oo hadana khatarta ku ah Amnigeeda iyo horumarkeeda.

Waxuu qayb ka ahaa qorshayayaal ka dhan ah Puntland oo Dowlada Farmaajo 4-tii sano ee ay xukunka haysay ay fulisay.

Sidoo kale waxuu door kulahaa siyaasada Fadaraal diidka ah.

Ina Ciid hada waxuu isku dayayaa in uu soo dhex raaco Mashruuca Ayaxa si uu uhelo Xildhibaan uu Puntland ku dhibaateeyo markale.

Madaxweyne Deni waa ku amaanan yahay hoos udhigistiisa iyo in uu iska diido la kulankii gaarka ahaa ee uu codsaday,sida ay qabaan haldoor badan oo reer Puntland ah.

Jibril Qoobey.