Hot Topics

Video:-Gargaar deg-deg ah oo loogu yaboohay Itoobiya

Isku duwaha Gargaarka Deg-dega ah, Martin Griffiths,ayaa maanta $25-Milyan uqoondeeyay Itoobiya si loogu taageero gargaarka bini’aadantinimo iyo ilaalinta rayidka.

Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay 15-Milyan oo Dollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bini’aadantinimo ee Itoobiya.

Hawlgallada bini’aadantinimo ee guud ahaan Itoobiya,ayaa gaaraya $1.3 bilyan, oo ay ku jirto $350 milyan oo wax looga qabanayo Deegaanka Tigreega.

Halkan ka daawo muuqaalka