Hot Topics

Muxuu ka yiri Swan Khilaafkii Farmaajo iyo Rooble?

Khilaafkii Farmaajo iyo Rooble

Danjire James Swan waxaa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay Qaramada Midoobay iney sii wadeyso la shaqaynta iyo taageeridda saamileeyda muhiimka ah si loo horumariyo hannaanka doorashada. Isaga oo ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka, si loo dhameystiro doorashada baarlamaanka ka hor dhammaadka sanadkan.

Swan waxaa kale uu sheegay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka dhex curtay bilihii Agoosto iyo September, uu ka dhashay laba arrimood oo kala ahaa magacaabista saraakiisha sarsare ee nabadsugidda iyo sidii loo maamuli lahaa. Baaritaanka lagu hayo sarkaal ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee la waayay, ayaa la sheegay in xiisadahaasi ay hadda yaraadeen.