Hot Topics

Dhex-dhexaadintii Isimada Oo Deni ka hor yimid

Hawshii ay galeen Isimadu ee PSF oo ay aqbaleen Wasiirada,waxaa ganafka ku dhuftay Madaxweynaha.

Saakay ayay ahayd in Isimadu sii wadaan wada xaajoodka oo ay la kulmaan Maxamuud Diyaano,balse waxay ogaadeen in dadaalkooda laga soo diiday Madaxtooyada.

Madaxweyne Deni,waxa uu udiidayo dadaalka Isimada waa Laba arimood oo kala ah…

1.Boqorku shaqo uu qabtay in aysan guulaysan oo uusan magac ku helin waa ka go’an tahay.

2.Sidiisa,isagoo uraba in uu gacan saaro Ilmo Diyaano iyo Bahdir.

Xalay Ciidamada Amaanka Bosaso sugayay,waxay qabteen Laba Askari oo PSF ah markay lasoo baxeen Cadaymahoodiina laguma qadarin ee Buskooladii iyo ID-Card-kii,ayaa laga qaatay.

Sidoo kale habeen hore Askar PSF ah oo kasoo baxay Xerada,ayaa toos Xabad loogu riday oo la dhaawacay.

Deni waxii uu Farmaajo ku eedaynayay ee ahaa Darbiguu Madaxa kusoo dhuftaa markaasuu yiraahdaa waa tanaasulay,ayuu Maanta ku dhaqmayaa!!

Bosaso Xabada uu la rabo waa mid Taariikhdiisa soo afjaraysa,Puntland-na khatar gelinaysa.

Jibril Qoobey.