Hot Topics

Shabaab oo iskaga baxay Matabaan

Wararaka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada Matabaan oo muddo kooban ay maanta qabsadeen.

Dadka magaalada ayaa u sheegay VOA in maleeshiyada Al-Shabaab ay burburiyeen saldhigga booliiska ee magaalada oo ay ku xireen qaraxyo ka hor intii aysan ka bixin magaalada.

Ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku abaabulayeen magaalada Guriceel si ay ugu soo dhaqaaqaan dhinaca Matabaan.