Hot Topics

Kulankii taarikhiga ahaa Ee John F. Kennedy iyo Cabdirishiid Cali Sharmarke.

Afarta gar-jiho waxaa ka dhacayay duufaantii dagaalkii qaboobaa ee dunida. Dalalka adduunyadu waxa ay ahaayeen kuwa la kala jirsaday Midowgii Soofiyeeti iyo Mareykan ka, halka kuwa dhif ahna ay istaageen mowqif dhex dhexaadnimo ah. Soomaaliya waxa ay qeyb ka ahayd dalalkii lagu loollamayay saaxibtinnimadooda, maaddaama muhiimad istaraatiijiyadeed iyo mid siyaasadeedba ay lahayd.

1960 kii markii ay Soomaaliya qaadatay xorriyaddeeda waxaa isa soo tarayay dalabyada iyo kala riix riixashada labadii quwadood ee ugu weyneyd caalamka ku hayeen madaxda Soomaalida. 27 kii November sannadkii 1962 kii, diyaarad sidday ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa caga dhigatay Washington halkaas oo uu ku qaabbilay madaxweynihii Mareykan ka John F. Kennedy.

Roog cas ayaa garoonka diyaaradaha loo goglay, salaan sharaf iyo maamus ayuu ka guddoomay dhiggiisa Keneddy. Kaddib Aqalka Cad ayeey u caraabeen iyadoo ‘soo dhowoow’ lagu marxabbeynayo. Casho sharaf ayaa xigtay, beerta South Lawn ee ku dhex taalla Aqalka Cad ayaa isla cishihiiba la gogladay oo munaasabad maqaamkeeda wadata loo dhigay wafdiga, ka hor inta aan la guda galin ujeeddada safarka.

Dowladda Mareykan ka oo aad u daneyneysay in ay Soomaaliya ka xigsato Midowga Soofiyeet ayaa u muujisay ra’iisul wasaare Cabdirashiid dabacsanaan badan iyo balan qaadyo soo jiidasho leh. Waxaa la isla gartay

  1. in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

2.In Mareykan ka uu Soomaaliya ka caawiyo dhismaha iyo qalabeynta ciidanka qaranka.

3.In fursado waxbarasho la siiyo ardayda Soomaaliyeed si ay qeyb uga noqdaan geeddiga dowlad dhiska Soomaaliya.

4.In la iska kaashado dhismaha kaabayaasha dhaqaalle iwm

Madaxweyne Kennedy ayaa ku dheeraaday bogaadinta madaxda Soomaalida iyo doorkooda ku aaddan ilaallinta Dimuqraaddiyadda curddinka ah ee ka hanaqaadday Soomaaliya. Isagoo ku tilmaamay in ay tusaale u yihiin dalalka dhowaangalka ah ee doortay nidaamka Dimuqraaddiga ah.

“Mudane Ra’iisul wasaare, si kasta oo aan u kala fognahay juqraafi ahaan iyo taariikh ahaanba, haddana waxaa jirta waxyaabo badan oo na mideeya oo ay ugu horreyo nidaamka dimuqraaddiga ah ee oggolaanaya isku dheellitirka awoodaha iyo u kala saariddooda saddexda waaxood ee asalka ah, waaxda fulinta, baarlamaanka iyo caddaaladda, si loo gaaro hadafka weyn ee ah in la damaanad qaado xorriyadda qofka” John F. Kennedy.

Madaxweyne Kennedy ayaa toogasho lagu dilay muddo yar kadib kulankii uu la qaatay Cabdirishiid

“waa maalin taariikhi ah, waayo markii ugu horreysay ayaan qaabbileynaa wafdi rasmi ah oo ka socda Soomaaliya tan iyo markii aad xorriyadda qaadateen laba sano ka hor. Waxa aan idinku bogaadinayaa sida hagrasho la’aanta ah ee aad uga shaqeyseen xorriyad gaarsiinta ummaddiinna, islamarkaana aad jilbaha u aasateen sidii aad uga gudbin lahaydeen marxaladda kumeel gaarka ah ee xigtay maalmaha xorriyadda. Waan dareemi karaa caqabadahan oo kale anagaba waa ay nasoo martay ayaamaheennii aan xorriyadda qaadannay. Iska feedidda heeryada gumeysiga iyo ismaamul madax banaan in ay muddo kooban is xigaan waa wax aad u adag, haddana waan ku kalsoonahay in aad dow hagaagsan geyn doontaan dalkiinna, adinkoo ka faa’iideysanaya ahmiyadda juqraafi iyo tan istaraatiijiyadeed ee uu dalkiinna leeyahay. Mudane ra’iisul wasaare soo dhowoow.” Markale Kennedy.

Madaxweyne John ayaa masraxa kusoo dhaweeyay dhiggiisa Sharmaake, kooxda baambeyda ayaa heesta astaanta qaranka Soomaaliya ka qeylisiisay. Kaddib ra’iisul wasaaraha ayaa cod baahiyaha usoo dhawaada oo bilaabay in uu u mahadceliyo Kennedy iyo dowladdiisa. Sidoo kale qiray sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay la jaal ahaanshiyaha dal sida Mareykan ka oo kale.

“Mudane Madaxweyne, farxad ayeey ii tahay in aan salaan diiran idinkaga sido adiga iyo dadka Mareykan kaba, madaxweynaha dalkeyga Aadan Cabdulle Cismaan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa aan bogaadinayaa marti soorkiinna hagrasho la’aanta ah. Waxa aan rejeynayaa in kulaneenna uu bud-dhig u noqdo xiriir saaxibtinnimo oo u dhexeeya labadeenna dal, mahadsanid madaxweyne” Cabdirashid Sharmake.

Kaddib hadal jeedinnadaas kooban oo ay labada hoggaamiye ka yiraahdeen munaasabadda soo dhaweynta, waxaa xigay kulamo gaar ah oo ay kaga arrinsanayeen siyaasadda guud ee adduunka iyo si gaar ah xaaladaha dhaqan dhaqaale ee Soomaaliya. Labada masuul ayaa hoosta ka wada xariiqay sida ay muhiim u tahay iskaashi dhexmara Muqdisho iyo Washinton.

Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Mareykan ka mudane Cumar Macallin oo kaashanaya kaaliyihii xogyihii arrimaha Afrika u qaabbilsanaa Mareykan ka mudane G. Mennan Williams ayaa Hotelka Shoreham ee magaalada Washinton ku qabtay munaasabad kale oo soo dhaweyn ahayd taas oo ay kasoo qeyb galeen diblomaasiyiin sar sare oo ka socoday qaar kamid ah dalalka Soomaaliya saaxibbada la ahaa. Sidoo kale kulankaas waxaa uu fursad u siiyay ra’iisul wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaake in uu la kulmo ardayda Soomaaliyeed ee wax ku baraneysay dalka Mareykan ka, kuwaas oo halgan nololeed ugu jiray sidii ay inta wax soo bartaan dalkooda dib ugu celin lahaayeen. Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhiirriyay ardayda in ay dareen ummadnimo qaadaan oo aqoontooda uga faa’iideeyaan dadkooda.

Maalinkii labaad ee booqashadiisa, Ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa tegay masjidka weyn ee Washinton iyo xarunta dhaxalka islaamka ee magaaladaas, halkaas oo uu ku tukaday kuna Quraan akhristay.

Aqalka martida ee la dejiyay ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa waxaa markale kusoo booqday madaxweyne Kennedy si uu uga guddoomo haddiyado ka tarjumaya dhaqan Soomaaliga oo uu mudane Sharmaake ugu talagalay dhiggiisa Kennedy. Haddiyadahaas waxa ay ka koobnaayeen dharka hiddaha, gaashaan, xeero, fandhaal, waran, geeso lo’aad iyo qaar kale oo badan.

Maalinkii xigtay wefdiga ra’iisul wasaaraha ayaa u ambabbaxay magaalada Newyork safar masaafadiisu lagu qiyaasay 250 Mile dhanka Wuqooyi. Markii ugu horreysay ayuu galay dhismaha xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Newyork. Calanka Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa calamada ka dhex babbanayay gudaha xarunta,

Wefdiga Sharmaake waxaa soo dhaweeyay madaxweynihii golaha loo dhanyahay ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa mudane Muhammad Zafarullah Khan oo u muujiyay kalsooni badan madaxda Soomaalida.

Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Ciise Maxamud iyo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Washinton mudane Cumar Macallin ayaa kaalin libaax leh ka qaatay habsami u socodka booqashada ra’iisul wasaaraha iyo jadwalka guud ee maalmihiisa Mareykan ka.

Duqii magaalada Newyork Robert F. Wagner Jr ayaa guddoonsiiyay Sharmaake abaalmarinta ‘Furaha Dahabiga’ si uu ugu soo dhaweeyo Newyork oo markaas ahayd mid kamid ah magaalooyinka ugu ilbaxnimada badan dunida.

Markii ay dhammaatay wakhtigii ay u qorsheeyeen Newyork, wefdiga ra’iisul wasaare Cabdirashiid ayaa u baqoolay jihada koonfureed ee magaalada si ay u galaan safar 600 mile ah kaas oo ay ku tiigsanayeen mid kamid ah jasiiradaha ku yaalla Caribbean ka, si ay ugu soo tamashleeyaan. Xeebta dheer ayeey muddo wakhti ku qaateen oo qumbaheeda si qumaati ah u cuneen iyagoo iska bi’inaya daalka iyo jactadka uu baday safarka dheer ee ay ugu soo jermaadeen jasiiraddaas.

Old San Juan waa mid kamid ah degellada ugu qaddiimsan taariikhda aadanaha, juqraafi ahaan waxa ay dhacdaa jasiiradda Puerto Rico. sooyaal ahaanna waxaa la weriyaa in ay ku jirtay meelihii ugu horreeyay ee uu kasoo dagay daahfurihii reer Taliyaani Christopher Colombos intii uu ku guda jiray daahfurkiisii dhulweynaha Ameerika. Jasiiraddan Puerto Rico waxaa taariikhda u gashay in ay marti soortay ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Allaha u naxariistee mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake. Governerkii jasiiraddaas Luis Munoz Marin iyo Sharmaake ayaa si wadajir ah uga wada hadlay sidii ay labada dhinac isku kaashan lahaayeen, balamo iyo cahdiyo ayaa la isla meel dhigay. Intaas ka dib wefdiga waxa ay soo kormeereen dhismayaal dan guud ah oo ‘iskaa wax u qabso’ ay ku dhisayeen dad mutaddawiciin reer Puerto Rico, halkaas cashar baa uga baxay malaha wefdigii Soomaalida maaddaama howlaha iskaa wax u qabsada ah ay ku cusbeyd maqalka wefdiga.

Waxaa lasoo gaaray dhammaadka safarkii xiisaha lahaa ee ra’iisul wasaare Sharmaake, diyaaradda qaaska ah ee madaxweyne Kennedy ayaa kusoo celisay Washinton si uu u sameeyo macsalaameyntii ugu dambeysay. Diyaaradda Kennedy oo cusbeyd aawgeed Sharmaake waxaa uu noqday masuulkii ugu horreeyay ee isticmaala diyaaraddaas.

Cabdirishiid Cali ayaa noqday Ra’isulwasaare iyo madaxweynaha Soomaaliya xiliyo kala duwan ka hor intii aanan la dilin
Qoraalka sawirka,
Cabdirishiid Cali ayaa noqday Ra’isulwasaare iyo madaxweynaha Soomaaliya xiliyo kala duwan ka hor intii aanan la dilin

Markii ay dib ugu soo noqdeen Washinton, labada hoggaamiye ayaa is macsalaameeyay oo iskula dardaarmay in si dhow looga wada shaqeeyo fulinta mashaariicdii la isla meel dhigay, sidaas ayuu kusoo idlaaday safarkii muhiimka ahaa ee uu ra’iisul wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaake ku bixiyay dalka Mareykanka markii ugu horreysay taariikhda.

361 maalin kaddib kulanka labada hoggaamiye, nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay madaxweynihii Mareykan John F. Kennedy xilli uu safar ku marayay magaalada Dallas ee gobolka Texas. Adduunyada ayaa la amakaagtay dilka gaadmada ah ee loo geystay madaxweynaha Mareykan ka. Sidaas oo kale Todoba sanno kaddib askari ka tirsan ilaalladiisa ayaa ku toogtay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake oo xilligaas noqday madaxweynaha Soomaaliya. se lama xaqiijin illaa hadda cid dhabta ah ee ka dambeysay dilka madaxweynaha si lamid ah sida aan weli loo xaqiijin cidda masuulka ka ah dilka Kennedy marka laga soo tago Lee Harvey Oswald oo loo badinayo in uu toogtay madaxweynaha.

59 sano ayaa kasoo wareegatay kulanka Kennedy iyo Sharmaake, ha yeeshee Cabdirashiid Cali Sharmaake wiilkiisa ayaa laba jeer Soomaaliya ka noqday ra’iisul wasaare halka qoyska reer Kennedy ay tusbax furtay oo kale u dabar go’een, muddo kooban ayuuna ku dumay damacoodii siyaasiga.

Ha yeeshee Soomaaliya maanta waa ay ka liidataa 59 sano kaddib, halka Mareykan kana uu hadda yahay quwadda keliya ee adduunka ka dhaqleysa. Adduun iyo waayihiisa!

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali