Hot Topics

Midowgu Musharaxiinta oo la yasay!!

Midowga Musharaxiinta,waxay ku baaqeen in la hakiyo doorashada ay ku tilmaameen mid la “boobayo”

Balse waxaa hada muuqata in taasi aysan dhag u dhigin D.Goboleedyada iyo Guddiyada doorashada.

Jubaland iyo Puntland oo horey uu uga dhaxeeyay xiriir iskaashi oo gaar ah,ayaa xalay udiray fariintii ugu danbaysay.

Jubaland xalay waxay shaacisay 14-Kursi oo lagu bilaabayo Doorashada Aqalka-hoose,halka Puntland laga sugayo maalmaha soo socda.

Midowgu markii horaba ma ahayn Dad is wata oo hal mab’da oo dhanka siyaasada ku wajahan leh.

Go’aamada Midowgu qaataan,ayaa ku salaysnaa falcelin mana soo bandhigaan qorshe Siyaasadeed oo cad.

Markii la qiimeeyo tafaraaruqa ku yimid Midowga dhexdiisa iyo isbahaysiyadoodii ,waxaa kusoo baxaya in siyaasaddu aysan saaxib joogta ah lahayn.

Su’aasha lays waydiinayaa waxay tahay Midowgu ma la imaan doonaan qorshe cusub mise falcelintii lagu yaqaanay,ayay jawaabtoodu noqon doontaa??