Hot Topics

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay Oo baarayaal usoo diraya tacadiyada dagaal Ee Itoobiya

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa kulan isugu yimid si ay uga doodaan Qaraar qabyo ah oo Midowga Yurub uu kasoo diyaariyay Itoobiya.

Qaraarka,ayaa ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo xadgudubyada ay geysteen dhammaan dhinacyada ku hardamaya dagaalka Itoobiya tan iyo dabayaaqadii Sanakii 2020.

Fadhiga gaarka ah ee jimcihii dhacay,ayaa waxaa codsaday Midowga Yurub,waxaana taageeray 21-Xubnood oo ka mid ah Wadamada xubnaha ka ah Golaha Xuquuqul Insaanka.

Fadhiga,waxaa Goob joog ka ahaa 36-wadan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Kanada.

Golaha,ayaa u codeeyay oo ansixiyay koox ka kooban 3-xubnood si ay usoo baaraan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee ka dhacay Itoobiya.

Dhammaan 13-ka waddan ee Afrikaanka ah ee @UN_HRC waa ay diideen ama way ka aamuseen.

Dalalka Soomaaliya, Eritrea, Ivory Coast, Cameroon, Namibia iyo Gabon ayaa ka mid ah dalalka diiday qaraarka.