Hot Topics

Sicir-bararka Turkiga ka taagan oo Cirka isku sii shareeray

Mushahaarka ugu yar ee Qof Turkiya qaato xiligan waa $171 bishii.

40% Dadka Turkiga ah,ayaa qaata mushahaarka ugu yar.

Dad badan,ayaa la halgamaya sidii ay u iibsan lahaayeen badeecadaha maalinlaha ah,iyada oo qiimiha Maciishadu ay kor u kacayso maalinba maalinta kasii danbaysa.

Si loo yareeyo sicir bararka Madaxweyne Erdogan,ayaa kordhiyay Mushahaarka 50% bilawga sanadka soo socda.

Balse wax saamayn ah ma yeelan doono,iyada Lacagta Turkiga ee loo yaqaan Liira ay hoos usoo hoobanayso ay gaartay meeshii ugu hoosaysay Abid marka lagu qiimeeyo Dolarka.

Halkii Dolar,ayaa hada maraya $1=16.46 Lira,taasoo ay ku tilmaameen Dhaqaale yahanadu wax qayrul macquul ah.

Hadii xaalku sidan kusii socdo,waxaa adkaan doonta in Dadka Turkiga intooda vadan ay iibsan kari waayaan Cuntada maalinlaha ah.