Hot Topics

Rooble oo cayriyay Xubno Gudiga khilaafaadka ka tirsanaa

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Xubnaha la cayriyay,ayaa lagu eedeeyay in ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo kuna milmeen siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeerarka anshaxa doorashada.

Go’aankii ugu danbeeyay ee Gudiga khilaafaadku qaateen ee keenay tuhunka weyn,ayaa ahaa Kursiga Talyaha Nabadsugida Yaasiin Farey.

“Ra-isulwasare Rooble,waxaa looga fadhiyaa in uu dib usoo celiyo Kursiga sida xaaraanta ee sharciyada baslmaarsan uu ku qaatay Yaasiin Farey. Kuma filna cayrin xubno oo qura cadaalad darada laga sameeyay Kursiga Hope-067. Kursigaas wado khaldan,ayaa loo maray, hab doorashadiisa, kamana ahayn goobjooga Nabadoonadii Kursigaas Saxiisa lahaa iyo Ergooyinka Saxda ah ee kursigaaas u codeen lahayn”Ayuu yiri mid ka mid ah Nabadoonada Beesha Kursigaa leh oo aan la xiriirnay.

Rooble,waxaa saaran cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya Somalida iyo caalamka oo ku aadan Doorashada iyo hufnaanteeda,iyadoo si weyn loo dhaliilay habsami usocodka Doorashada oo idil.