Hot Topics

Mid ka mid ah mashaariicda uu ku riyoonayey bin Salmaan

In this Nov. 11, 2015, photo, Saudi Arabian Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman attends a summit of Arab and Latin American leaders in Riyadh, Saudi Arabia. Saudi Arabia said Tuesday, Dec. 15, that 34 nations have agreed to form a new "Islamic military alliance" to fight terrorism with a joint operations center based in the kingdom's capital, Riyadh. Mohammed bin Salman said the new Islamic military coalition will develop mechanisms for working with other countries and international bodies to support counterterrorism efforts. (AP Photo/Hasan Jamali)

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa shaaciyey mashruuc laga hirgelinayo bartamaha magaalada Jidda oo ay ku kaceyso $19.96 balyan oo doolar.

Mashruucan uu dhaxlsugaha Sacuudigu shaaciyey ayaa la sheegay marka la gaaro 2030-ka inuu mashruucan uu dalka Sacuudiga uu ka soo galayo 47 balyan oo Riyaal.

Mashruucan bartamaha magaalada Jidda laga heirgelinaya ayaa lagu fulinayaa dhul baaxaddiisu gaadheyso 57,000 oo hektar.

Mashruucan oo la sheegay inuu ka mid yahay himilooyinka boqortooyda Sacuudiga ay tiigsaneyso 2030-ka oo lagu doonayo inuu dalku ku tallaabsado kobac dhaqaale oo ay u aayaan muwaaddiniinta iyo ajaanibta dalkaasi ku nool.

Wuxuuna dhaxal sugaha bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay mashruuca bartamaha Jidda laga fulinaya oo aad u weyn inuu seddex waji uu ka kooban yahay uuna noqon doono barkulan caalami ah oo la isugu yimaaddo.

Ma’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Sacuudiga waxay sheegeen mashruucan oo laga hirgelinayo dhul ku teedsan Badda Cas uu sare u qaadayo dhaqaalaha dalka iyo bilicda caasimadda Jidda.

Mashruucan,ayaa ka kooban Guryo deegaan oo casri ah, shaneemooyin, Garoonka kubadda cagta iyo dhismayaal badda hoosteeda laga dhiso oo dalxiiska ku habboon.