Hot Topics

Sidee looga hortaggi karaa khuurada?

Si loo joojiyo khuurada, waa lagama maarmaan ah in marinka hawada la furo, si arrintan loo sameeyo, waxaa jira tallaabooyin dhowr ah oo dadka lagu taliyay inay qaataan.

Qofka waa in uu hal dhinac ah u seexdaa

Carabka, garka iyo unugyada dufanka leh ee garka hoos yimaada waxay horseedi karaan in uu xannibaad ku yimaado marinka hawada gaar ahaan marka qofka uu beer beer u jiifsado.

Markaa waxaa habboon in qofka khuuriya uu hal dhinac ah u seexdo sida in qofka mid kamid ah gacmahiisa barkisto.

Nadiifi sankaaga

Haddii aad qabto hergeb ama xasaasiyad, sankuna uu ku xiran yahay markaa waxay u badan tahay in habeenkii ama maalintaa aad khuuriso, marka ay kula soo deristo xaaladda noocaas ah waxaa lagaaga baahan yahay in si fiican aad u nadiifiso sankaaga ka hor inta adan seexan.

Waxa kale oo isticmaali kartaa dawooyinka qofka ka caawiyo naqaska si aad u nadiifiso sanka, tani waxay meesha ka saari kartaa bararka ku yimaada unugyada dhiigga ee sanka.

Iska yarey cayilka

Haddii aad cayilan tahay, waxa laga yaabaa in aad garkaaga agtiisa aad ku yeelato unugyo dufan badan. Waxay unugyada dufanta leh ciriiri gelin karaan isla markaana xannibi karaan marinka hawada.

Xaaladdan oo kale, waxay kuugu khasbeysaa in aad is caateyso si aad uga shaqeyso caafimaadkaaga, waxay arrintani sidoo kaa caawin kartaa inay meesha ka baxdo khuurada