Hot Topics

Farmaajo oo ka digay in wax laga badalo heshiiskii 17-Sep

“Waxaan aaminsanahay in Ra’iisulwasaaraha iyo madaxda dowlad-goboleedyadu wax badan qabteen,doorashada dadban iyadaaba muran ku dhisan,heshiiskii 17-Septemper waan saxiixay meel buuna yaallaa wuxuu ahaa mid laga fakaray waa in la iska ilaaliyaa in wax lag baddalo,” Ayuu yiri Farmaajo.

Bishan 27-keeda,ayaa waxa qorshaysan in Muqdisho uu ka dhaco Shir ay iskugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo looga arinsanayo Doorashada iyo habsami usocodkeeda,waxaana warar hordhaca oo soo baxayaa sheegayaan in lasoo yarayn doono goob Doorashooyinka laguna soo koobi dooni hal Magaalo.

Farmaajo,ayaa aad udhibsanaya wax ka badal lagu sameeyo heshiiskii 17-Sep.

Sida muuqata maalmahan,waxaa jira kala fogaansho soo kala dhexgalay Farmaajo iyo Rooble markale.