Isimada Bari oo soo dhaweeyay khudbadii Madaxweyne Deni

Shirkii Jaraaid ee isimadu qabteen Galabta.

1-Waxay sheegeen In ay ka xun Yihiin Dhacdadii Foosha xumayd ee ka Dhacday Magalada Bosaso maalmihii Lasoo Dhaafay.

2- Waxay Soo dhoweyeen una Mahad celiyeen Go’aan kii madaxweynaha Dowlada Puntland Uu ka qaatay Arintii Dhacday.

3-Waxay Ku Baqeen in Magalada lagu soo laabto dadkuna Isdejiyaan oo Guryohooda kusoo Laabtaan.

4-Waxay ku Baaqeen In Loo Gurmado Dadkii ka Barakacay Magalada iyo Dadkii Waxyeeladu Gaartay Dhamaantoodba.

5-In khasarihii ka dhacay Magalada la baaro dhinacnackasta oo Ay tahayba.

6-Maadaama Ciidamada Dowlada Madaxweynuhu Amray in ay Goobo Hooda Jogaan Anagana Waxaan Amraynaa In ciidama kale Ay Meelohoodii Ku Negaadaan.

7-Waxay Isimadu Dadka Reer Puntland ugu Baaqeen In ay Nabada ka shaqayyaan oo Gacmaha isqabsaan.

Sida oo kale waxay Madaxweynihii Hore C/raxmaan Faroole ugu baaqeen in uu Raali gelin ka bixiyo Hadalkii xanafta lahaa ee uu Isimada ugeystey.