Hot Topics

Ma dhabaa in Rooble mari doono Wadadii Khayre maray?

Khudbadii uu jeediyay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fadaraalka Maxamed Mursal waxaa laga dareemayay in uu RW xasuusinayo in wali Baarlamaankii hore shaqaynayo ilaa iyo inta Baarlamaanka cusub lasoo dhamaystirayo lana dhaarinayo.

Sidoo kale,isla khudbadaas waxuu ku sheegay hashiiskii siyaasadeed ee la saxiixay ee 17-Sep in uu ahaa 2020/202,taasoo micnaheeda yahay in hashiiska uu ku dhacayo inta bishan ka dhiman.

Waraaqda uu soo saaray Madxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday 10-bilood ka hor Farmaajo,waxaa ka muuqatay fariimo u Eg in Raysal Wasaare cusub oo wadanka doorashadiisa hagi kara loo baahan yahay.

Ciyaarta soo socota waxay dad badan saadaalinayaan in lagu cuni doono Rooble,iyadoo la isticmaalayo Baarlamaanka mudo xileedkiisu dhamaaday.

Waxaa jiray warar sheegayay in Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta intooda badan iyo Farmaajo ay ku heshiiyeen qorshe 2-sano oo mudo kordhin ah oo RW ay ku keensanayaan Mucaaradku,inkastoo taasi umuuqato mid wax kasoo noqdeen.

Jibril Qoobey.