Madaxweyne Deni oo usocdaalaya Muqdisho

Madaxtooyada Puntland,ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Deni berrito Muqdisho u socdaalayo.

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxay uga qaybgalayaan Muqdisho Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee 27-Dec 2021.

Inta badan haldoorka reer Puntland ee uu kala tashtay Madaxweyne Deni Shirkan iyo arimaha taagan,waxay kula taliyeen in uusan aadin oo ka gaabsado.

Balse Madaxweyne Deni isagaa ku adkaystay oo go’aankiisa tagida Shirka ugaar noqday.

Siyaasiyiinta reer Puntland,ayaa qaba in jiho cusb oo Umada udan ah la baadi goobo meeshii wakhtiga lagu lumin lahaa Farmaajo iyo Rooble oo aan wax badan is dhaamin.

Deni,ayaa umuuqda mid danihiisa gaarka ah ka dhex arkay la shaqaynta Rooble.

RW Rooble,ayaa iclaamiyay Shirkan,waxaana si cad u qaadacay ilaa iyo hadeer Maamulka Koonfur-galbeed.