Hot Topics

Faallo”Faroole waa haldoorka Ciise xiligan Nool marka la qiimeeyo waaqiciga jira”

Si walba uu uyahay Nin hadal xun oo dabeecad qalafsan kana duula aragtiyo guracan meel hoosana ka laangoosta hadana waa Nin Aaran-Shaydaan ka maqaam sareeya.

Waa fahmi karnaa in ay isku dayaan hor istaaga Seneteralnimadiisa mar labaad,sababtoo ah waa Nin xog ka haya oo ogaa markii ugu horaysay ee ay isticmaalaan Taleefoonka Laabsaalaxa ay uyaqaanaan ee Smart Phone-ka.

Faroole waa Ninka kaliya ee dhibaatadii ka dhacday Bosaso kasoo gurmaday oo khalad iyo saxba wax ku darsaday.

Waa Ninka Labaad Beeshii balaarnayd ee Ciise Maxamuud ee ka hadla dhacdadii foosha xumayd ee Bosaso.

Faroole,waxuu muujiyay dareen damqasho,waxuuna ubareeray in uu arinkaas door ku yeesho xalinteeda.

Beesha Ciise Maxamuud shacab ahaan dhacdada Bosaso raali kama noqon,balse haldoorkeedii,waxaa saamayn ku yeeshay oo afduubtay Aaran-Shaydaan.

Si gaar ah,waxaa la yaab noqotay in Islaamkii iyo Suldaankii xurmada weynaa aysan xataa baaq Tacsi iyo Xabad joojin ah ka dirin waxii ka dhacay Bosaso.

Dhibse maleh oo waa loo cudurdaarayaa inta Aaran joogo.