Hot Topics

Yaa ka danbeeya Colaada Saaxo-Maygaag Ee Duleedka Boocame

Colaada Saax-Maygaag,waxaa toos uga danbeeya Aaran-Shaydaan.

Waa mida koobaade waxay Maanta hor istaageen oo Ciidan hor dhigeen Gurmad usocday Beelaha Maxamed Ugaar.

Waa Mida Labaade wax gurmad ah oo iyagu ay direen majirto haday Ciidan noqon lahayd ama Saad.

Aaran-Shaydaan,iyagaa Dowlada haysta mana kala dhexgelin Beelihii diriray umana cadaalad falin oo dhanka Maxamed Ugaar ayay Gacmaha ku dhegeen,iyagoo ku gabanaya colaadaan xakamaynaynaa balse hawl kale wata.

Maxamed Ugaar,waxaa laysku yiraahdaa Jifooyinka Reer Faarax iyo Reer Yoonis ee Abokor Ciise Maxamuud,waxaana ka dhashay Abshir Cumar Huruuse oo khatar ku ah Aaran-Shaydaan kana mid ah Siyaasiyiinta miisaanka leh ee Ururka Mideeye.

Maxamed Ugaar,waa kasoo hor jeedaan hogaaminta Aaran-Shaydaan,waana sababta colaada sokeeye ay ugalinayaan.

Ujeedka Aaran”

1.Aaran colaada Saaxo-Maygaag waa qorshahoodii labaad oo ay Deni ku fashilinayeen.

2.Waxay Deni ka mashquulinayaan hankiisa Xamar oo waxay iyagu wataan Khayre.

3.Waxaa jira Qandaraasyo ay Xamar kasoo qaateen oo Deni ka dhan ah oo uu ka mid ahaa dagaalkii Bosaso,kan Saaxo iyo mid Mudug laga ridi doono.

Colaada Saaxo-Maygaag waa khatar sokeeye,waxayna sii kala fogayn doontaa Dhulbahante iyo Majeerteen,iyadoo ay ka faa’idaysan doonaan Beelaha Isaaq.

Beesha Cumar Maxamuud waxaa laga rabaa in ay arinkan u istaagto oo ay toos ufarageliso waxna uga qabato.