Hot Topics

Baaq iyo xog colaada Saaxa-Maygaag

Colaada sokeeye ee Saaxa Maygaag waa nasiibdaro xaqiiqdii laga xumaado.

Beesha Majeerteen waa in ay qabataa Beelaha Maxamed Ugaar si deg-deg ah.

Sidoo kale Beesha Dhulbahante waa in ay qabataa Beelaha Ugaasyada.

Waa in aan lala kala safan oo lagu dhexgalaa wax walba oo la samayn karo.

Waa colaad aan wax macno ah oo ku dhex jirtaa aysan jirin.

Dagaalka Maanta,waxaa ku dhintay dhanka Maxamed Ugaarka 12 -Nin iyo dhaawac 14-Nin ah,waxaa kaloo aan lahayn Geeridooda ilaa 11-Nin.

Dhanka Ugaasyada,waxaa ka dhintay 8-Nin,waxaana ka dhaawacmay 12-Nin.

Tuuladii dagaalku kacayna,waxaa ku awood roonaaday Ugaasyada Galabta

Warar aan la xaqiijin karin,ayaa sheegaya in Ina Canbaashe dagaalka soo galay oo 14-Tikniko ah ku xoojiyay.

Dowlada Puntland doorkeedii dhan walba waa Eber,waana ku ceebowday ka hortaga dagaalkan foosha xun.

Caawa 57-Nin oo Daarood-ka Puntland ah,ayaa dhimasho iyo Dhaawac ah!!