Hot Topics

Heshiis miyaa laga gaaray khilaafkii PSF?

Khilaafkii PSF xalintiisii gebo-gebo,ayuu marayaa.

Beri ama Saadanbe,waxaa soo baxaya Qodobo 11 ah oo ay wada qaateen Siyaasiyiinta iyo Isimada.

6-dii Isin ee soo jireenka ahaa oo horay go’aan uga soo saaray khilaafka PSF oo ay kusoo biireen Labada Isin ee soo jireenka ah ee Mudug iyo Sanaag oo dhinac ah iyo Siyaasiyiin ay hormuud uyihiin Gaas,Cumar iyo Faroole,ayaa Qodobada soo bixi doona kasoo wada shaqeeyay.

Dhanka Dowlada,waxaa la xaqiijinayaa in ay qayb ka ahayd wada xaajoodka oo ay ku faraxsan tahay sida ay wax usocdaan.

Xalinta arintan,ayay reer Puntland si weyn uga warsugayaan oo udheg taagayaan.

PSF waa Ciidanka ugu sareeya Puntland haday noqon lahayd,tababarka,Qalabka iyo xogta Sirdoon.

Jibril Qoobey.