Hot Topics

Yaa ka masuul ah dagaalkii lagu qaaday Bosaso?

Dhismaha ku astaysan awooda iyo soo jireenka Qaranimada Maraykanka markii la weeraray,waxaa kasoo wareegtay Halsano.

Waxay ahayd dhacdo xanuun badan,fool xun oo Taariikhda Maraykanka gashay.

In ka badan 700 Boqol oo Qof,ayaa loo qabtay dhacdadaas,waxaana eeda ugu weyn la saaray Trump Madaxweynihii xiligaas.

Haatan taas,waxaa noola mid ah hadaan nahay reer Puntland Dagaalkii Bosaso.

Magaalo u ah xarun Ganacsi oo ay kusoo hirtaan Dad gaaraya 4-Milyan Qof,ayaa Dowladeedii Dab si walba looga baaqsan karay ay gelisay.

Xaqiiqdii waa dhacdo xanuun badan,foolxun oo Taariikhda gashay.

Balse muhiimadu waa in Cadaaladu shaqayso oo Sharcigu qabtaa masuuliyiintii gubay Bosaso.

Madaxweyne Deni,Wasiir Xasan Shire,Wasiir Galan,Agaasimaha PMPF,Talyaha ilaalada Madaxtooyada,Jimcaale iyo Saraakiil kale waa in maalin maalmaha ka mid ah Maxkamad lasoo taagaa.

Dadaalka ay wadaan haldoorka reer Puntland ee lagu saxiixayo Dacwad heer caalami ah oo masuuliyiintaas ka dhan ah waa in la bari taaraa.

Bosaso waa astaan reer Puntland.

Jibril Qoobey.