Hot Topics

Qodobada muhiimka ah ee ku jira Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran

Qodobada muhiimka ah ee ku jira Warmurtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaran.

1.Cidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amiga Dalka yo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka.

2.AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada

3.Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25-ka Febaraayo.

4 Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in u u tartamo kursiga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho.

5.Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga.

6.Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta kharashka khidmadda waraaqda dambi la’aanta yo wixii kale ee Khidmad ah.