Qaramada Midoobey oo soo dhawaysay go’aamadii Golaha Wadatashiga Qaran

Qaramada Midoobey,ayaa boggaadisay Qodobada ay soo saareen Ra’isul wasaare Rooble,madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kadib shirkoodii Muqdisho.

Qaramada Midoobay ee Somaliya waxay ku faraxsan tahay in Golaha Wadatashiga Qaran ay shalay gaareen is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka.

Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay ee 25-ka Febraayo.

QM waxa ay sidoo kale ku dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Somaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Somaliyed.