Hot Topics

Siyaasi Asalkiisu Somaliya kasoo jeedo oo Wasiir ka noqday…

Golaha Wasiirada cusub ee ay magacowday Madaxweynaha Tanzania,waxaa ka mid noqday Xuseyn Maxamed Baashe.

Baashe,ayaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha, isagoo horay u ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha.

Baashe oo asalkiisu Somaliya kasoo jeedo,ayaa ku dhashay 26 Ogosto 1975-tii Gobolka Nzega ee Dalka Tanzaniya waana Siyaasi iyo Ganacsade caan ka ah dalkaas.

Xuseyn Baashe oo ka tirsan Xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah Xildhibaan.