Hot Topics

Puntland waxay ubaahi qabtaa Adeeg daadajin!!

Puntland waxay ubaahi qabtaa in nidaamka Fadaraalka ah laga wada hirgeliyo.

Maamul daadajinta,ayaa ah arin xiligan muhiimad gaar ah uleh.

Adeega Dowladnimo,shaqo abuurka iyo kaydka dhaqaale ee la heli karo waa in Tuulo walba la gaarsiiyaa.

Waa nasiibdaro in Maanta aan dib u abuurno nidaamkii halka Magaalo iyo halka Xaafiis.

Hadaan deg-deg looga hawlgelin Qodobkaas oo Dowladu Gudi usaarin,waxay keeni doontaa isnicid,kala fogaansho iyo ka hor imaansho Dowladnimada Puntland.

Si gaar ah Gobolada leh Kaydka Dhaqaale ee isku filan hadii Shacabkooda la bado shaqo la’aan iyo dayac adeega Bulshada,waxay abuuri kartaa in ay gadoodaan oo ka hor yimaadaan nidaamka iskuna arkaan in la isticmaalayo lagana danaysanayo.

Erayadaas waa meelgalaa taabanaya damiirka rasmiga ah !!

Wiil iyo Gabar walba oo reer Puntland ah waa in uu Tuuladiisa ku helaa adeega Dowladeed!!

Maxaan uqaadanay nidaamka Fadaraalka,hadii Magaalo loo rarayo Magaalo kale?

Maxaan uqaadanay nidaamka Fadaraalka ah,hadii hal Magaalo la camirayo?

Maxaan uqaadanay nidaamka Fadaraalka ah,hadii Xamar cusub aan abuurayno?

Puntland way ka hirgelisay Nidaamka Fadaraalka ah guud ahaan Somaliya,balse gudaheeda waa in ay wada gaarsiisaa !!

Shaqo kale,ayaa noo hartay!!

jibril Qoobey.