Hot Topics

Miyaa la mahdiyay 3-sano kadib hogaamintii Gobolka Bari Ee Abwaan?

Shaahdoon Cali Yare Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Bari si wacan,ayuu yeelay.

Koox ma weerarin mana samayn balanqaad hadhow kusoo laaban kara.

Waxuu codsaday wada shaqayn,waxuuna muujiyay xog ogaal in uu ka yahay xaalka Gobolka Bari.

Gudoomiyihii hore Abwaan hadaladiisii sagootinta,waxaa ugu micno badnaa dardaaran uu uga tagay Gudoomiyaha cusub,kaasoo ahaa..”Dhalinyarada Tiktok-yada xiriirkooda wanaaji”.

Abwaan wax la taaban karo Gobolka ugama tagin.

Intii uu joogay Xaafiiska hogaaminta Gobolka,waxaa dhacay Sadex dhacdo oo waa weyn oo uusan midna wax ka qaban ama ku fashilmay.

1.Waxaa Magaalada soo galay Ciidan Beeshiisa hoose ah oo 3-beri haystay.

2.Xabsigii weynaa,ayaa la jabsaday lagana sii daayay Maxaabiis fara badan.

3.Dagaal xoog leh,ayaa ka dhacay gudaha Magaalada 3-maalmood oo isku xiga.

Abwaan taariikh macno leh oo lagu soo xasuusto kama tagin.

Matalaadiisa Seneternimo ma noqon doonto mid wax usoo kordhin doonta Deegaanka iyo Beeshaba.