Hot Topics

Madaxtooyada Puntland oo wada dagaal ka dhan ah Boqor Burhaan Boqor Muuse

Boqor Axmed oo uu dhalay Boqorkii hore ee Beelaha Daarood Boqor Cabdullaahi King-kong,ayay Dowladu wadaa in ay kasoo dajiso Puntland.

Boqor Axmed,waxa ay horay iskugu qabsadeen dhaxalka Boqortooyada Boqorka hada jooga Boqor Burhaan.

Balse waa lakala saaray oo dhaxalkii Boqortooyada,waxaa la siiyay Boqor Burhaan Boqor Muuse,sidaas,ayaana lagu kala reebay.

Haatan Axmed Boqor Cabdullaahi oo degan Canada kana mid ah Qoyska reer Boqor ayay soo abaabuleen Deni iyo kooxdiisa,waxayna rabaan in ay ku dhereriyaan Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Dhawaan ayay rabaan in ay kasoo dejiyaan Gaalkacyo,isla markaana galbiyaan ilaa Bosaso.

Deni dhaqaalaha ku baxaya buunbuuninta Axmed Boqor Cabdullaahi,isagaa bixiyay,balse waxuu rabaa in uu isqariyo si cadna uusan isku muujin.

Sida aan xogta ku helay Axmed Boqor,waxaa kasoo galbin doona Gaalkacyo Isimada loo yaqaan Bugaanbugta ee halka magac leh,kuwaasoo ka caraysan sidii banaanka looga dhigay taladii Bosaso markii ay la socdeen Islaam Bashiir.

Waa talaabo qar iska xoornimo iyo talo guracan oo markale Deni qaatay baasiinkana kusii shubaysa xaalka taagan ee Bosaso.

Taasi haday dhacdo waa dagaal kale oo qaawan oo lagu soo qaaday Boqortooyada laguna fashilinayo heshiiska PSF.

Jibril Qoobey.