Maxaad ka taqaan Safiirka cusub Mareykanka Ee Soomaaliya!

Baro safiirka cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya! Danjire Larry André waxa uu hore safiir uga soo noqday safaaradaha Maraykanka ee Jabuuti iyo Nouakchott.

Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay dalalka kala ah Bangladesh, Cameroon, Ethiopia, Guinea, Iraq, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, South Sudan, iyo Tanzania.

Kahor inta uusan ku biirin Adeegga Dibadda ee Mareykanka, Danjire André waxa uu ka soo shaqeeyay dib u dhiska wadanka Chad dagaalkii ka dib, waxaana uu tabaruce u soo noqday hay’adda Peace Corps ee Senegal iyo shaqale xafiiska Peace Corps ee Washington, DC.

Sawirka labaad, waxaad ku arki kartaa isaga oo jooga tuulo ku taalo Senegal waqtina la qaadanayo saaxiibadiisa sanadii 1983-dii.

Sawirka saddexaad waxaa la qaaday 1984-tii. Ambassador André wuxuu xiran yahay dharka hoose ee dhaqanka ee gobolka uu joogay wuxuuna ka iibsanayaa caano haweeney reer Fulani ah.