Hot Topics

Maxay tahay ujeedada Ciidamada Haramcad loogu daabulayo Beledweyne?

Warrarka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in saaka dhawr diyaaradood oo siday ciidamada Gorgor ee Milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidanka gaarka ah ee Booliska ee loo yaqaano Haramcad,ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne.

Ciidankan ayaa saaka laga qaaday magaalada Muqdisho.

Beledweyne waxa shalay ka dhacay kacdoon hubeysan, kadib marki Maleeshiyo hubeysan oo ka soo horjeeda tagista magaaladaasi ee Madexweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ay qabsadeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada iyo wadooyinka muhiimka ah.

ujeedka Ciidamada loogu daabulayo Beledweyne,ayaa ah in si xoog ah lagu geeyo Madaxweynaha Hir-shabelle Guudlaawe,kadibna Doorashada loogu qabto si khasab ah.

Fahad Yaasiin,ayaa ka mid ah Dadka usharaxan Kuraasta Xildhibaanimo ee taala Beledweyne.

Sidoo kale Kooxda Fahad,waxay qorshaynayaan in ay boobaan oo ku shubtaan Kuraastaas Beledweyne loo mudeeyay Doorashadooda.

Golaha kacdoonka Gobolka Hiiraan,ayaa ka digay arinkaas Ciidamada loogu daabulayo Beledweyne.