Taalibaan oo dhaqaali yari darteed udabcay dalabka reer Galbeedka

Wafdi ka socda maamulka Taliban oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa bilaabay wadahadalallo diiradda lagu saarayo arrimo ay kamid yihiin gargaarka bani’aadanimo iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha oo ay la leeyihiin bulshada rayidka ee Afghanistan.

Qurba joogta reer Afghanistan ayaa dibad-baxyo ay kaga soo horjeedaan Taalibaan ku qabtay Oslo.

Waftiga Taliban ee Oslo gaaray ayaa sidoo kale markii ugu horeysay Yurub kula kulmi doona diblomaasiyiinta dalalka galbeedka tan iyo markii ay qabsadeen dalka Afganistan.

Taalibaan,waxaa ku habsaday dhaqaale xumo baahsan kadib markii ay dalkaas iskaga baxeen reer Galbeedka iyo xulafadooda ayna joogsatay lacagihii lagu taageeri jiray dalkaas.

Haatan,waxay Taalibaan isku dayayaan in ay abuuraan jaei dib ay ula macmiili karaan reer Galbeedka,iyagoo ogolaaday shuruudaha laga rabo in ay wada hadal ka galaan.