Hot Topics

Yaa amray Ciidamada Beledweyne loo daad gureeyay?

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed),ayaa sheegay in Ciidammada gaarka ah ee Muqdisho ka yimid loo baahan yahay in ay sii joogaan gobolka Hiiraan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen ismariwaa ku aadan imaanshaha Madaxweynaha maamulkaasi ee Cali Guudlaawe.

“Anaga ayaa dowladda Soomaaliya ka codsanay, madaxweynaha Hirshabelle iyo aniga ayaa isla ogayn, waana ay ku mahadsantahay dowladda sida ay oga soo jawaabtay dalabkeena waxaana leenahay noo soo badiya,” ayuu yiri Dabageed oo intaasi ku daray, ”Soomaaliya madaxweyne ayay leedahay isaga ayaana ah taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka ah Soomaaliyeed, dabcan Madaxweynaha Hirshabelle waxaa uu arimaha ciidamada kala Macaamilay Madaxweynaha dowladda federaalka Somaliya.”

Magaalada ayaa waxaa indhawaalaba ka taagnaa khilaaf u dhaxeeyay Maleeshiyo oo hor-kacayay Janaraal Xuud oo la baxay Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiran kuwaasi oo sheegay in ujeedkooda uu yahay in la dhiso Hirshabeelle loo dhan yahay?

Khilaafkan ayaa salka ku haya dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay dadka sheegayaan in aanay ku qanacsaneyn qaabka awoodda loo qeybsaday ka dib markii uu meesha ka baxay madaxwaynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Janaraal Abuukar Warsame Xuud oo hogaamiya golaha kacdoonka gobolka Hiiraan islamarkana imika wadahadallo kula leh Muqdisho madaxweynaha dawladda federaalka ayaa BBC-da u sheegay ina nabaddii ay Muqdisho u yimaadeen “dhabarka laga jabinayo”.