Hot Topics

Beesha Cali Jibraahiil oo la siinayo Wasiir buuxa

Wasaarada Deegaanka,Beeraha iyo Cimilada,waxaa loo kala jarayaa Labo,sida wararku sheegayaan.

Wasaarada Beeraha oo gaar ah,ayaa loo dhiibayaa Kulan oo kasoo jeeda Beesha Cali Jibraahiil.

Kulan waxay Ganacsi wadaag yihiin Madaxweyne Deni.

Beesha Cali Jibraahiil mala hayn Wasiir buuxa,waxaana dalbaday in Wasaarada loo dhamaystiro Beeldaaje Cali Faarax oo ay wada hadleen Deni.

Horay,waxaa Wasiir iyo Wasiir ku xigeen loo siiyay Ugaaska Dishishe.

Ujeedka ugu weyn oo laga leeyahay isbadaladan waa kala furfurida Beelaha Bari iyo ka reebida Boqor Burhaan.