Hot Topics

Mareykanka oo $130 Milyan oo gargaar Militari ah ka joojinaya dowladda Masar

WASHINGTON — Maamulka Biden ayaa lagu wadaa inuu u dalka Masar ka xayiro 130 milyan oo dollar oo gargaar militari ah sababo la xiriira xuquuqda aadanaha, sida ay sheegeen saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Jimcihii, taas oo noqoneysa ciqaab naadir ah oo Mareykanku saaro saaxiib xulufo la ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken ayaa bishii Sebtembar sheegay in gargaarkan la joojin doono haddii Masar aysan wax ka qaban shuruudo gaar ah oo la xiriira xuquuqda aadanaha oo ay Washington soo bandhigtay, kuwaas oo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ay sheegeen in ay ku jirto sii deynta shaqsiyaad gaar ah oo loo arko in ay yihiin maxaabiis siyaasadeed.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay maamulka Biden in ay joojiyaan dhammaan 300 milyan oo dollar oo ah maalgelinta militariga ee la siinayo dowladda Masar ee Abdel Fattah al-Sisi.

Sisi, oo xukunka ka tuuray ururka Ikhwaanul Muslimiin sannadkii 2013, ayaa kor-jooge ka ah hawlgallada ka dhanka ah mucaaradka oo sii xoogaysanayay sannadihii u dambeeyay.

“In kasta oo Xoghayuhu aanu gaarin go’aankii ugu dambeeyay, haddii aysan jirin is bedello waaweyn oo dhaca maalmaha soo socda, xoghayuhu wuxuu dib u eegis ku sameyn doonaa 130-ka milyan ee doollar ee mudnaanta u leh amniga qaranka,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Reuters.