Hot Topics

Dowlada Puntland oo mar kale qorshaynaysa weerar ay ku qaado Xerada PSF

Deni wuxuu soo kireeystay 8-Nin Beelaha HG u badan laakiin Hawiyaha kalena ay ku jiraan oo takhasus gaar ah u leh, ridida noocyada Hubka uu kamid yahay Hoobiyaha.

Lacag badan,ayaa Ragaas iyo dulaaladooda lagu baxshay, waxaana iska kaashaday Deni, Xasan Shire Abgaal iyo Xasan Deni.

Dhowr cisho ka hor,waxaa u timid Dooni Hub u sidda Dowlada,waxaana xaqiijiyay 3-Qof oo ka mid ah shaqaalaha Dekeda Bosasi.

Dhanka PSF waxaa ka jira heegan iyo diyaar garow buuxa.

Suurtagal waxaa ah Doorashada kadib ama ka hor inay weerar kale Dowladu ku qaado Xerada PSF.

Maxamuud Shiddo iyo Abgaalow,ayaa weli waxay ku adkeysanayaan in PSF la wiiqo.

Askarta Puntland si cad ayay u diideen wax weerar ah, mana danaynayaan in ay PSF dagaal la galaan.

Jibril Qoobey.