Hot Topics

Farmaajo oo ay ubuuxsantay sanad sharcidara ah !!

“Kursiga aad ku fadhido waxaad u kululeyneysaa kan kugu xiga, macnaha, ha dareemin in aad meesha leedahay adigu, laakiin waxaad dareensanaataa in aad u warm-up gareyneyso (kululeyneyso) kursiga, for the next guy (qofka ku badali doona). Laakiin dadka hada jooga iyo dadkii horaba, waxaad moodaa hadii aad mar soo fariisatay wax kaa kicin kara ma leh. Waa dhaqan xumo waxaan ma lihid, umada baa isa leh, waa wareegto”Ayuu yiri Farmaajo.

Aadan-cade hal maalin kuma darsan mudo xileedkiisa kumana xadgudbin sharciyada dalka,taa badalkeeda waxuu ka tanaasulay mudo xileedkiisii qaar si uusan dalku meel cidlo ah ugu soo dhicin.

Farmaajo Hal sano oo uusan wax sharciyad ah uhaysan ku fadhiga Kursiga,ayaa ubuuxsamay Maanta mana ahayn dhaqankii Aadan-cade.

Sidoo kale ku tumushada Dastuurka ee uu ku kacay Farmaajo,ma ahayn mid taariikhdu ku xustay Aadan-cade.

Sawirka Aadan-cade,waxaa hoostiisa fariisan kara hogaamiye leh dhaqankiisii oo ilaaliyay taariikhdiisii.

Farmaajo waxa ugu weyn ee lagu xasuusan doono,waa in uu ahaa Nin ay ka go’nayd ku fadhiga Kursiga si walba oo ay ku qaadatay.

Jibril Qoobey.