Hot Topics

Maxay ku salaysan tahay Digniinta Maraykanka Ee duulaanka Ruushka?

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan.

“Ma saadaalin karno mustaqbalka, mana ogin waxa dhici doona, balse khatarta waa mid saraysa, waxaana loo baahan yahay in si degdeg ah ay [muwaadiniinta] uga baxaan dalkaas” ayuu yiri Sullivan.

La-taliyaha ayaa intaa raaciyay in maamulkiisa aanu ka war-qabin in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu gaaray go’aan kama dambeys ah oo ku aaddan duulaanka, balse Aqalka Kremlin uu raadinayo marmarsiyo uu ku billaabo dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in duulaanka Ruushka uu dhici karo ka hor 20-ka bishan.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa uusan Ukraine u diri doonin ciidan soo badbaadiya muwaadiniinta Maraykanka, haddii uu Ruushka qaado duulaanka.

Jimcihii, Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan qaab muuqaal ah la yeeshay hogaamiyayaasha NATO, waxaana ay isla garteen in cunaqabateyn dhaqaale oo baahsan lagu beegsado Ruushka haddii uu weerarro Ukraine.

Dhanka kale Maraykanka ayaa sheegay in 3,000 oo ciidan dheeraad ah uu u diri doono Poland, kuwaas oo lagu wado inay halkaa gaaraan todobaadka soo socda. Kama dagaallami doonaan Ukraine, balse waxa ay difaaci doonaan dalalka xulafada la ah Maraykanka.

Xaaladda ka taagan Ukraine ayaa ku soo beegmaysa sideed sano kadib markii uu Ruushka xoog kula wareegay gobolka Crimea. Tan iyo waagaas, ciidamada Ukraine ayaa dagaal aan dhammaan kula jiray fallaago gacan ka helaysa Ruushka oo ku sugan xuduudda bari.

Ciidamada badda ee Ruushka ayaa Jimcihii dhoolatus ka sameeyay Crimea.

Khubarada milateri ayaa tilmaamay in dhoolatuska uu Ruushka ka wado dalka Belarus ay khatar weyn ku tahay caasimadda Kyiv, oo haddii uu dagaal qarxo ay Moscow si sahlan ku weerarri karto magaaladaas xarunta u ah Ukraine.