Hot Topics

Muxuu yahay Magaca Cusub Ee loogu wanqalayo Dalka Turkiga

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in magaca cusub uu “si wanaagsan u muujinayo dhaqanka, ilbaxnimada iyo qiyamka dalkiisa.”

Dadka qaar ayaa ku doodaya in isbedalka uu ka dhashay aragti ah in aan la isku khaldin magaca dalkaas iyo shimbirta Turkey loo yaqaan ee u eg dagiiranka.

Marka la eego luuqada Turkiga, magaca dalka ayaa loo qoraa Türkiye. Markii uu dalkaas madax bannaanidiisa ka qaaday quwadihii Galbeedka 1923, dalka ayaa la baxay magaca Turkey oo ah luuqada Ingiriiska.

Ankara ayaa doonaysa in dhawaan ay magaca cusub u gudbiso Qaramada Midoobay si caalamka oo dhan looga isticmaalo.

Qorshaha magac bedalidda ayaa soo bilowday bishii December kadib markii uu Madaxweyne Erdoğan soo saaray wareegto uu shacabka dalkiisa uga codsanayo inay adeegsadaan magaca Türkiye luuqad kasta oo ay isticmaalaanba.

Isla wareegtadaas ayuu Madaxweynaha ku taliyay in shirkadaha dalkiisa ee soo saara alaabta dibedda loo dhoofiyo ay ku qoraan “lagu sameeyay Türkiye”. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee dalkaas inay si weyn u isticmaalaan magaca cusub.

Wakaaladda wararka ee Anadolu iyo warbaahinta TRT World ayaa hadda si joogta ah u adeegsada “Türkiye” gaar ahaan qeybahooda la hadla caalamka.

TRT World oo sharraxaysa sababta looga guuray magaca Turkey ayaa sheegtay in micnaha magacaas ee luuqada Ingiriiska uu yahay “wax si xun u dhacay” ama “qof doqon ah”.

Selim Koru oo ka tirsan mac-hadka cilmi-baarista Foreign Policy ayaa sheegay in “magaca dalka oo lagu khaldo kan shimbirta ay aad uga caraysiiso Erdoğan iyo dadka ku xeeran.”

Turkiga ayaa sanadihii dambe ballaarinayay galaangalkiisa caalamka ee dhinacyada dhaqaalaha, milateriga iyo filimaanta, magaca cusubna waxa uu qeyb ka yahay wanaajinta sawirka laga aaminsan yahay waddankaas.