Hot Topics

Sidee ku bilaabatay maalinta Jacaylka Adduunka Ee “Valentine’s day”

Guud ahaan dunida waxay dadka lamaaneyaasha ah maanta u dabaal dagayeen munaasabadda “Valentine’s Day”, oo ah maalinta la xusho jacaylka.

Maalintani waxay billaabatay xilligii boqortooyadii Romankii hore.

Boqorkii waagaas ee roomanka oo la odhan jirey Claudius ayaa kala foogeeyey wiilasha iyo gabdhaha guurkooda iyo kulankooda, wuxuuna oggolaaday oo keliya habeenka dabaaldegga boqortooyadiisa in gabadh waliba warqad uu qoran yahay magaceeda sanduuq yar ku riddo, kaddibna sanduuqaas ayaa wiil walib warqad kala bixi jirey, sidaas ayaanu ku raadsan jiray inanta magaca ugu qoran, kaddibna intaa xafladdu socoto ayay wada joogi jiren, halkaas ayaa si nasiiib ah habeenkaas qofka calool galaa uun ku dhalan jirey.

Sannadka intiisa kale ma ay kulmi jirin, ilaa laga gaadho dabbaaldegga danbe iyo sidoo kale cidda nasiibku isku beego.

Sababta boqorku sidaas u sameyn jirey ayaa ahayd, inuu geli jirey dagaallo badan, dagaalladaasna uu u baahnaa askar badan oo rag ah.

Sidaa dartedna waxa uu rumaysnaa in haddii uu guurka fasaxo in aysan raggu dumarkooda iyo cidda ay jecelyihiin ka tegi Karin, taasna ay keenayso inuu nin weliba dagaalka ka baaqdo.

Laakiin habkan uu ku mamnuucay guurka uu xal u yahay in nin kastaa hore ka galo dagaalka, maaddaama aanu waxba ka tegeyn.

Muddo ka dib waxaa soo baxay wadaad VALENTINE la yiraahdo oo si qarsoodi ah isugu guurin jiry wiilashii iyo gabdhihii kiristaanka, muddo ka dib ninkaas waa la xidhay, waxaana la sheegay in jirdil iyo ciqaab jeelka loogu dhex geystay awgeed uu u dhintay, 14-kii bishii Febraayo.

Ninkan ayey dadkii xaaladdiisa la socday u yaqaannaan ‘shahiidkii Jacaylka’.

Baadarigii Pope Galasious ee diiinta Kiristaanka ayaa sannadkii 496 ee Miilaadiga, si toos ah u aqoonsaday in maalinkan la xuso sannad walba 14-ka febraayo.