Korontadii Puntland oo loo ansixiyay Qoyska Madaxweyne Deni

Golaha Wasiirada Dowlada Puntland,ayaa ansixiyey dhismaha Shirkada Korontada Puntland (Pepco) oo ay ku mideysnaan doonaan dhammaan Shirkadaha korantada ee ka jira Puntland.

Shirkadan saamiga ugu weyn,waxaa iska leh reer Deni,waana mid qandaraas ku qaadanaysa guud ahaan Kotontada,kadibna Shirkadaha kale iyada ay kasii qaadan doonaan.

Ujeedkooda ugu weyn waa in ay Korontada Bosaso gacanta ku dhigaan,waxaana hada usocda xarumo Koronto dhalin ah.

In la dhiso Shirkadan mahdinteedu waxay ku xirnaan doontaa hadii ay waxtar uyeelato Bulshada oo Qiimaha Korontada ee aadka uqaaliga ah ay wax ka badasho.

Jibril Qoobey.