Hot Topics

isbar-bar dhiga Awooda Ciidamada Cirka Ee Itoobiya iyo Masar

Masar”

Waxaan muran uusan ka taagnayn in dalka Masar uu yahay dalka ugu awoodda badan dhanka ciidamaad cirka ee qaaradda Afrika.

Tirada diyaaradaha ee ciidamada cirka Masar ayaa gaaraysa 1062 diyaaradood.

Diyaaradaha dagaalka ayaa waxay tiradooda gaarayaan 250 diyaaradood.

Tirada diyaaradaha fuliya howgalada gaarka ah ayaa gaaraysa 11 diyaaradood.

Diyaaradaha nooca loo yaqaano Helekobtarka ayaa waxay tirada ay ciidamada Masar haystaan ay gaarayaan 313, halka diyaaradaha qaada ciidamada iyo saanada militariga ay gaarayaan 59.

Itoobiya”

Militari ahaan dalka Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka dhanka militariga ahaan ugu awoodda sareeya qaaradda.

Tirada diyaaradaha Itoobiya ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa guud ahaan gaaraysa 90 diyaaradood.

Tirada diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa gaaraysa 23, halka tirada diyaaradaha helekobtarka loo yaqaano ay gaarayso 32.