Hot Topics

Doorashada Xildhibaanada Fadaraalka Ee Bosaso oi dib loo dhigay

6-Beri,ayaa dib loo dhigay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Bosaso lagu qabanayo.

Sababta dib loogu dhigay Doorashada,ayaa ah kulamo ay wada yeelanayaan Madaxweynaha iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan ka hor bilaabida Doorashada.

Arimaha ugu waa weyn ee horyaala Madaxweynaha,waxaa ka mid ah..

1.Arinka PSF.

2 Go’aanka Isimada

3.Tabashada Beelaha

4.Amaanka Gobolka.

Madaxweyne Deni,waxaa looga fadhiyaa in uu xaliyo tabashooyinka iyo arimaha ka taagan Gobolka Bari,isagoo talada ka fogaynaya kooxda Aaran-jaan lana tashanaya Dadka haldoorka ah ee ehelka u ah.

Sidoo kale Madaxweynuhu,waxuu furayaa dhawr Mashruuc oo aan waa waynayn,kuwaasoo kala ah…

1.Mashruuca Balaarinta Garoonka Bosaso.

2.Mashruuca Solarka ee Korontada

3.Mashruuca Biyaha Macaan ee Bosaso

4.Mashruuca Shirkada cusub ee Dekeda

Inkastoo dhamaantood Mashaariicdaas ay gacanta Qoyskiisa reer Deni ay galeen oo banaanka laga dhigay Dadkii kale.