Hot Topics

Ciidamada Maraykanka oo garaacay Saldhigyo Alshabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM,ayaa xaqiijiyay in iyaga oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya ay qaadeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo huwanta ah meel u dhow deegaanka Dudubley 22-kii bishan.

“Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM.

Bayaankan,ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ee la howlgala kuwa Mareykanka sida uu dhigayo oggolaashihii Isticmaalka Ciidanka Milatariga Mareykanka ee 2001.

“Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika,ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah.

Dadaalladan,ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay al-Shabaab si joogto ah u geysato dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka AFRICOM.

AFRICOM,ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Somaliya iyo Mareykanka weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.